Maxkamad lasoo taagay askari dil uu geestay sababay Rabshado ka dhacay Muqdisho

Maxkamada darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxaa ka bilowday dhagesysiga dacwado dil ah oo loo heesto askari katirsanaa ciidanka booliiska oo bishii ramadaan labo qof oo shacab ah ku dilay degmada Boondheere.

Dable Boolis Xasan Aadan Xasan ayaa loo heestaa dil 1-dii bisha Ramadaan uu u geestay Xasan Cali Cadaawe iyo Madiino Cabdullaahi Cabdi, dikan ayaana magaalada Muqdisho ka abuuray caro sababtay in shacabka dhigaan banaan baxyo rabshado watay.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Cabdullaahi Buulle Kameey ayaa sheegay in askariga uu geestay dil bareer ah , waxa uuna weeydiistay Garsoorayaasha Maxkamadda in lagu xukumo  ciqaab u dhiganta dambiga uu galay.

Qareenada u doodayay askariga gacan ku dhiiglaha ayaa sheegay in dilka askariga geestay uusan aheyn bareer, waxa ayna codsadeen in Wasaarada amniga iyo taliska booliiska bixiyaan magta dadka uu dilay askarigan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamaa Qalabka sida ayaa sheegay in uu xiran yahay dhageysiga kiiskan dacwada dilka ah, waxa uuna sheegay in dib kasoo sheegi donaan go’aanka Maxkmada .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -