Dowladda Qadar oo balan-qaaday iney Somalia ka taageereyso qodobo muhiim ah

Wasiirka Arrimaha dibada dowladda Qadar Sultan bin Sacad Al-Muraikhi oo magaalada Brussels kaga qeyb galay shirka caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya (International Partnership Forum on Somalia) ayaa ugu baaqay Beesha caalamka in la kordhiyo lana joogteeyo taageerada la siinayo Dowladda Soomaaliya.

Al-Muraikhi ayaa ka dalbaday beesha caalamka iney ku soo biiraan dadaalka wadajirka ah ee lagu doonayo in xal loogu raadiyo dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya si loo joogteeyo qaranimada loona gaaro dib u heshiisiin Qaran, wuxuuna qiray in horumar dhinacyo badan ah laga gaaray dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo waliba adeegyada asaasiga ah ee Bulshada u baahan yihiin.

Wuxuu sheegay Sultan bin Sacad al-Muraikhi in Dowladda Qadar balan qaadeyso in Soomaaliya taageero buuxda ka siineyso dagaalka ka dhanka Kooxda argagixisada,isla markaana ay xoojineyso wada shaqeynta kala dhaxeyso dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Mr. Sultan bin Sacad al-Muraikhi ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo taageerada Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM si meesha looga saaro kooxaha xagjirka ah ee xiriirka la leh Al-Qaa’ida.

Wasiirka Arrimaha dibadda Qadar ayaa cadeeyay in caqabadaha ay wajaheyso Soomaaliya ku koobneyn kaliya Ammaanka, dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada, Hay’adaha iyo Amniga gudaha balse ay jiraan masiibooyin dabiici ah oo ay ugu horeyso Abaarta oo guud ahaan dalka saameysay.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in Qadar mar kasta u taagan tahay iney dowladda ka taageerto arrimahaasi iyo goobaha kale ay saameynta ku yeelato, isagoo beesha caalamka ka dalbaday in si wadajir ah looga garab istaago Somaaliya, Nabadgalyada Horumarka iyo Xuquuqda aadanaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -