RW Xamza & wafdi uu horkacayo oo safarkii ugu horeeyey dibeda ugu ambabaxay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay dalka.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ku sii jeeda magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tunisia.

Qoraal ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in ujeedka safarka Raisul wasaaraha ay tahay ka qaybgalka shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Africa (TICAD) oo ka furmaya magaalada Tunnis

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre inta uusan dalkka ka ambabaxin kulan kooban saaka la qaatay Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki Gbeho oo ay kaga wada hadleen xoojinta wadashaqeynta xukuumadda iyo Q.M

- Advertisement -