Ku-simaha Madaxweynaha oo Arrimo muhiim ah kala hadlay James Swan (Sawirro)

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta waxaa uu kulan la qaadatay Ergeyga Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb, James Swan.

Kulankan ayaa guddoomiyaha golaha shacabka iyo James Swam ugu hadleen weeraradii ugu dambeeyay ee ay Al Shabaab ka geeysteen qeybo ka mid ah gobolada dhaca xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya,

Sidoo kale masuuliyiinta ayaa waxa ay soo hadal qaadeen sidii loo dardar gelin lahaa taageerada ay siineeyso Qaramada midoobay ee Golaha Shacabka JFS iyadoo laga sii-amba qaadaayo kulamo horay ay yeesheen danjire James swan iyo Guddoomiye Madoobe.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha golaha shacabka iyo danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxay ahmiyad gaar ah siiyeen arrimaha gurmadka Abaaraha iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -