Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo saakay qaaday Weeraro culus oo ka dhan ah xulufada Iran

Milateriga Mareykanka ayaa saakay qaaday weeraro dhinaca cirka ah oo ka dhan ah bartilmaameedyo ku yaal Suuriya, halkasa oo ay joogeen maleeshiyaad hubeysan oo shiico ah, kuwaa oo la sheegay in ay weeraro ku qaadeen saldhig Mareykanka ku leeyahay  Suuriya.

Taliska dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) , ayaa  sheegay in weerarka dhinaca cirka ah ay qaadeen ciidankooda uu jawaab u ahaa weerarradii ugu dambeeyay ee ciidamada Mareykanka kala kulmeen maleeshiyaad xulufo la ah Iran.

Taliyaha CENTCOM, General Michael Erik Kurilla ayaa bayaan uu soo saaray subaxnimadii  hore maanta oo Talaado ah ku sheegay in tallaabada militariga Mareykanka ay fariin cad u dirtay kooxaha hubeysan ee ay Iran taageerto ee ka howlgala Suuriya.

“Weerarada ka dhanka ah Mareykanka iyo xulafada isbaheysiga ee gobolka looma dulqaadan doono,” ayuu yiri Kurilla, isagoo ku sifeysay weerarrada lagu qaaday askarta Mareykanka ee Suuriya 24-kii saac ee la soo dhaafay inay ahaayeen “taxadir la’aan”.

Waxa uu intaa ku daray “Weeraradani waxay hoos u dhigi doonaan awoodda kooxaha ay Iran taageerto ee ah inay qorsheeyaan oo ay qaadaan weerarro mustaqbalka,” ayuu yiri taliyaha CENTCOM, isagoo intaas ku dartay in sagaal bartilmaameed oo laba goobood ah lagu weeraray weerarrada Mareykanka.

Maraykanka ayaa waxa uu ka joogaa ilaa 900 oo askari  bariga dalka Suuriya , halka 2,500 oo kale oo ku sugan Ciraaq, kuwaas oo hawlgalkoodu yahay in ay  caawiyaan ciidamada maxaliga ah ee dagaalka kula jira sidii looga hortagi lahaa in ay dib usoo laabtaan kooxda laga adkaaday ee Daacish.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey howlgalada milateri ee ka socda gobolka Galgaduud

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Shaacisay in ay dileen Askar badan oo u dhalatay dalka Kenya

Cabdi Cade

Sheekh Shariif oo Muqdisho kusoo laabtay xili xiisad siyaasadeed jirto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---