Weriye caan ah oo lagu dilay Gaalkacyo iyo faahfaahino ka soo baxaya

Magaalada Gaalkacyo waxaa goor dhow lagu dilay Weriye Jamaal Faarax Aadan oo ka mid ahaa weriyeyaasha sida weyn looga yaqaano Magaalada Gaalkacyo.

Marxuumka  ayaa ka mid ahaa wariyeyaasha ka howlgalla degaanada Puntland, waxaana uu horay uga soo shaqeeyay idaacadda lagu Magacaabo Daljir.

Sida dad goob joogayaak ay sheegayaan dilka weriyaha ayaa ka dhacay Agagaarka xero Siinaay oo ku taalla woqooyiga magaalada Gaalkacyo ka dib markii ay rasaas ku fureen rag bastoolado ku hubeysan.

Ciidanka Ammaanka maamulka Puntland ayaa soo gaaray goobta uu ka dhacay dilka, waxaana ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo ay ku doonayaan in lagu soo qabto kooxihii ka dambeeyay dilka.

Weli lama oga sababta loo dilay Weriyaha iyo cida ka dambeysay dilkiisa oo caawa si weyn looga hadlayo magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -