Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaanno badan oo kasoo jeeda Puntland oo War xasaasi ah soo saaray

War-saxaafadeed kasoo baxay xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaamka Soomaaliya deegaan doorashadoodana tahay  Puntland, ayaa si weyn u taageeray doorashada la qorsheenayo maamulka Jubbaland ka dhacdo.

Xildhibaannadan oo ka kooban 26 mudane ayaa sidoo kale sheegay in ay si adag u diidan yihiin mudda kororsiga dowladda Federaalka Soomaaliya u samaysay dowlad goboleedyada iyo qorshaha la doonayo in lagu meel mariyo doorashada qof iyo cod iyo mida asxaabta.

Xubnahan ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay qalalaase siyaasadeed iyo mid amni ka abuurayso degaannada Puntland iyo Jubaland, waxaana ay uga digeen Villa Somalia tallaabooyinka gurracan ee ka dhanka ah amniga iyo xasiloonida labadaasi dowlad goboleed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kala qeybsanaan salka ku heysa hal arin oo soo kala dhex gashay Maamulka Taliban

Caydiid Ali

Election Mandate vs. Term Extension

Caydiid Ali

Salima Mukansanga oo Taariikh lama ilaawaan ah ka sameeneysa Koobka Adduunka ee socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---