Allbanaadir.com
NEWS

Qeybtii labaad Xildhibanada Jubbaland oo gaartay Kismaayo

Tiradii ugu badneyd oo ka mida Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Aqal ee deegaan doorashadooda tahay tahay Jubbaland ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Xubnahan maanta yimid waxaa garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xassan ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah Wasiirada Jubbaland, xubno ka socday Gollaha Wakiilada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Maalinka bari ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu si rasmi ah uga furmo shirka wadatashiga ah ee uu Madaxweynaha Dowladda Jubbaland ku casuumay Xildhibaanada labada Aqal.

Shirkan ayaa looga arinsan doonaa xaaladaha siyaasadeed ee dalka iyo sidii wadajir loogu ilaalin lahaa ku dhaqanka Dastuurka KMG ah ee dalka.

Related posts

Taliye Mareykan ah oo sabab yaab leh shaqada looga eryey

Caydiid Ali

Dooni Xamuul oo siday Gawaari badan oo nuuca Dunida ugu Qaalisan ah oo degtay . 

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo daahfurtay Mashaariic kala duwan oo laga hirgeliyey Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---