Allbanaadir.com
NEWS

Taliye Mareykan ah oo sabab yaab leh shaqada looga eryey

Taliska ciidamada Badda ee Maraykanka ayaa shaqada ka joojiyey taliyaha Markabka dagaal ee USS John McCain

Shaqo joojinta taliyaha ayaa timid kaddib markii la arkay sawir uu qori kuwa shiishka leh ah ridayey, in diiradda uu isha ku hayaa ay dhinaca qaldan u rogan tahay.

Sawirkan oo taliyuhu uu ku baahiyey baraha bulshada ayaa laga bixiyey faallooyin lagu xaqirayo xirfaddiisa.

Taliska ciidamada badda Maraykanka ayaa eriga taliyaha ku sababeeyey in ay dhimatay kalsoonidii ay ku qabeen in uu hoggaamin karo markabkan dagaal oo xambaarsan gantaalaha la hago.

Taliyahan ayaa sawirkan tirtiray, kaddib markii uu arkay dareenka taban ee laga bixiyey, waxa aanu qoray raalligelin, isaga oo dadkana uga mahadnaqay qaladka ay arkeen.

Related posts

Fursad lagu baranayo Quraanka iyo culuumtiisa oo loo hayo Qurbajoogta Soomaliyeed caruur iyo dad waa weynba!

Cabdi Cade

Xildhibaan Cabdiraxmaan Ibbi oo shaaciyay in Farmaajo Qiyaanay Dhabarkana ka toogtay !1

Cabdi Cade

Gaari Xamuul oo laga helay meydadka Tahriibayaal badan oo kusii jeeday Yurub (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---