Dowlada Somalia oo daahfurtay Mashaariic kala duwan oo laga hirgeliyey Muqdisho (Sawirro)

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Somalia ahna ku-simaha Ra’iisul wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) ayaa Maanta Xariga ka Jaray Mashaariic Maamulka Gobolka Banaadir uu ka hirgaliyay Magaalada Muqdisho.

Xarumaha Xariga laga jaray waxaa ka mid ah Wasaaraddaha Ganacsiga iyo Boostada iyo isgaarsinta, xarumaha degmooyinka Xamar Jajab iyo Yaaqshiid iyo wadooyin ay dib u dhis lagu sameeyay kuwaasoo ka mid ahaa mashaariic DF ugu talagashay xuska maalmaha Xorriyadda .

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed waxaa ku wehlinayay Guddiga todobaadka Xorriyadda oo ay ka yihiin Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliyeed ,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimada Cumar Maxamed Maxamed Cumar (Filish) iyo Guddomiye ku xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkaan dabaaldega todobaadka xorriyadda u bedeshay mashaariic horumarineed oo laga fulinayo dalka oo ay ku jiraan Xarumihii lagu dhisay Barnaamijka isxilqaan iyo qaar ka mid ah hay’addaha dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -