Dooni Xamuul oo siday Gawaari badan oo nuuca Dunida ugu Qaalisan ah oo degtay . 

Doonidaan oo laga lahaa Dalka Talyaaniga kana soo shiraacatay dalka Faransiiska ayaa ku dagtay badweeynta Atlantic-ga , xili ay kusii jeeday Wadanka Brazil muddo todobaad ka hor.

Doontan ayaa siday Gawaari tiradooda ay Gaareeyso 2000 oo Gaari ah, kuwaas oo Shirkado kala duwan ay soo saareen , isla markaana ahaa kuwa ugu Qaalisan dunida, dhamaan gawaaridii doontasi saarnaa ayaa la sheegay in aysan waxbo ka bad baadin.

Noocyada Gawaarida doonta la degtay ayaa waxaa ka mid ahaa Porsche oo asiga dhowr nooc , waana kuwa Cayaaraha midkiina waxaa la iibiyaa lacag dhan sedex boqol kun oo Daollar  , sidoo kale waxaa mid ahaa gawaarida ; AUDI E3, A5, RS4, RS5, iyo AUDI Q 7.

Mas’uul u hadlay dowlada Faransiiska oo Doonidaan ay ka soo sharaacatay ayaa sheegay in Doonta Gubatay inta aysan dagin ka hor , taas ay dhalisay Walxo Kiimiko ah oo saarnaa Doonta.

Mudoowga Sharikadaha Xamuulka daabula ayaa dhacdadaan ku tilmaay mid aan badanaa dhici jirin, hasa ahatee laga hortagi doono hada kadib, waxa ay sidoo kale sheegeen in ay socdaan waxa keenay shilkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -