Allbanaadir.com
NEWS

Jubbaland oo soo saartay awaamiir la xariirta arrimaha Doorashooyinka dhacaya

Wasaaradda Amniga gudaha dowlad Jubbaland ayaa soo saartay awaamiir la xiriira xoojinta arimaha amniga iyo u hogaansanaanta nidaamka u degsan Hay’adaha amniga, xilli uu socdo diyaar garow la xariira doorashooyinka Jubbaland.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Aamniga Jubbaland, ayaa lagu faray ciidamada amniga Jubbaland in ay galaan heegan buuxa oo la xariira amniga, waxa ay sidoo kale Wasaaradda amartay ciidamada in aysan ku milmin arrimaha siyaasadda la xariira.

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa sidoo kale sheegtay in musharaxiinta iyo sidoo kale daneeyaasha arrimaha doorashada in amnigooda ay sugayaan ciidamada amniga Jubbaland, gaar ahaan kuwa booliiska , waxaana lagu wargaliyay in ay la xariitaan taliska booliiska si ilaalo loo siiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo Milatari ah oo Muqdisho ku dilay mid kamid ah Shaqaalaha Dowlada Hoose

Cabdi Cade

DF oo faahfaahin ka bixisay sababta kaliftay in la soo celiyo xiriirkii Kenya

Caydiid Ali

Laftagareen & guddiyada doorashooyinka oo ka wada hadlay baarista kursiga HOP103

Caydiid Ali
Taboola Ads ---