Allbanaadir.com
NEWS

Iran oo shaacisay hal arrin oo ay horumar weyn ka gaartay

Taliyaha guud ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, Janaraal Xuseen Salaami ayaa shalay  Khamiistii   ku dhawaaqay in Iran ay gaartay guul weyn oo dhinaca tignoolajiyada difaaca ah todobaadyadii la soo dhaafay, taas oo si dhaw loo shaacin doono.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee caalamiga ah ee Tasnim, Janaraal Salaami ayaa khudbad uu ka jeediyay shalay  magaalada Tehran, xuska sannad-guuradii koowaad ee shahaadada madaxweynihii hore Ayatollah Raisi iyo saraakiishii la socotay, wuxuu ku sheegay in guushan weyn ay muujinayso in isbeddel weyn ku yimid isu-dheelitirka awoodaha caalamiga ah, isaga oo yiri: “Tani waa bilowgii keliya ee jidka.”

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Iran maanta ka xoog badan tahay abid sidii hore ay ahayd , isla markaana Maraykanku uu qirsanaado  xaqiiqda jirta.

Salaami isagoo sii hadlayay ayaa tilmaamay awoodo gudaha Iran ee dhanka cilmiga, warshadaha, iyo difaaca, wuxuuna yiri:

“Waxaan horumar ballaaran ka sameynay dhammaan dhinacyada,waxaanu hawada u dirnaa dayax-gacmeedyo, waxaan leenahay tignoolajiyad nukliyeer oo horumarsan, waxaan dhisnaa warshado sifeynta saliidda ah iyo xarumo tamar, waxaan soo saarnaa gantaallo, nidaamyada difaaca hawada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo qalabka caafimaadka. Nidaamka caafimaadka ee Iran maanta wuxuu ka mid yahay kuwa ugu horumarsan caalamka.

Isagoo ka hadlayay xaaladda gudaha ee Mareykanka ayuu Janaraal Salaami waxa uu yiri:

“Miyaysan  jirin 40 kun oo dhalinyaro ah oo sannad kasta isdila?

Miyaysan jirin  700 kun oo dadka hoy la’aanta ah oo habeenkii ku seexda waddooyinka Mareykanka?

Ma ka guuleysateen xilligii dhibaatada COVID-19?

Ma xakameyseen dabka kaymaha iyo fatahaadaha ka jira dalkiinna?

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada UK oo arrimo muhiim ah kawada hadlay

Cabdi Cade

Ciidamo Soomaali iyo Mareykan ah oo xalay Weerar ku qaaday Deegaanka Daaru Salaam iyo Al Shabaab oo…

admin

Cali Guudlaawe oo kulan xasaasi la qaatay Taliyeyaasha Ciidanka ATMIS (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---