Allbanaadir.com
NEWS

Maxay ka wada hadleen Wasiirada arrimaha Dibeda ee Somalia & Masar?

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Jamhuuriyadda Masar, Dr. Badr Abdel-Atty.

Kulankaasi ayaa ka dhacay magaalada Baqdaad, xilli la qabanayay shir hordhac u ah shir-madaxeedka waddamada Carabta.

Wasiir Abdel-Atty ayaa ugu horrayn hambalyo u diray dhigiisa Soomaaliyeed xilka cusub ee loo magacaabay, isagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay dowladda Masar in la xoojiyo xiriirka walaaltinimo ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Wuxuu xusay in xiriirka labada dal la gaarsiiyay heer istiraatiiji ah bishii Janaayo 2025, xilligii uu Madaxweynaha Soomaaliya booqday Masar.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar doorka muuqda ee ay ka qaadanayso xasilloonida Soomaaliya, isagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya in la xoojiyo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee labada dal.

Related posts

Dabley hubeysan oo goor dhow dil ka geystay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Fanaan caan ah oo geeriyooday isagoo Masraxa ka heesaya

Caydiid Ali

Taliyaha Ciidamada difaaca Uganda: “Dhibaato ayaa nagu Heysata Soomaaliya”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---