Ciidamo Milatari ah oo Muqdisho ku dilay mid kamid ah Shaqaalaha Dowlada Hoose

Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya oo watay gaadiid dagaal ayaa lagu soo waramayaa in meel ku dhaw daarta Seybiyaano ee degmada Hodan ku dileen nin dhalinyaro ah oo kamid ahaa Shaqaalaha dowlada Hoose ee Xamar.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in askari katirsan ciidamada Milatariga xabad ku riday  gaari nuuca raaxada ah uu watay Dayax Iimaan Xasan Jiirow oo ka Shaqeynayey waaxda farsamada dhulka ee Dowladda hoose ee Xamar .

Wararka la helayo ayaa sheegaya in askariga dilka geestay iyo marxuunka ay murmeen xili wadada uu mashquul badan ka jiray sidaasna xabada ugu dhuftay, waxaaba goobtaasi ku geeriyooday Marxuun Dayax Iimaan.

Meydka Marxuunka ayaa laga qaaday goobtii lagu dilay waxaana la geeyay xarunta Dambi baaristra CID-da si baaritaano loogu sameeyo, walina lama oga in lasoo xiray askarigii dilkan ka dambeeyay.

Dilkan ayaa imaanaya xili maalmo kahor askar katirsan ciidanka Milatariga sidan oo kale Muqdisho ugu dileen gabar 9-sano jir ah oo saarneyd gaari ay uga timid iskoolkii ay dhiganeysay, waxaana dilalka nuucan ah walaac ka muujiyay shacabka Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -