Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaankii ugu horreeyay ee ajiiba baaqii Axmed Madoobe oo Kismaayo ka degay

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa shir wadatashi ugu baaqay in magaalada Kismaayo u yimaadaan xildhibaannada labada aqal ee laga soo doorto Jubbaland.

Axmed Madoobe oo xilligan khilaaf xooggan kala dhaxeeyo dowladda Federaalka , ayaa xildhibaannada kala tashanaya go’aan ay ka qaataan arrimaha xasaasiga ee xilligan taagan, gaar ahaan doorashooyinka ka dhacaya Jubbaland.

Xildhibaan Mawliid Cabdi Maxamuud ayaa noqday maanta Xildhibaankii ugu horreeyey ee ka dega magaalada Kismaayo, isagoo ka jawaabaya baaqii Madaxweynaha Jubaland H.E Ahmed Mohamed Islaam.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in Kismaayo tagay aqbalida baaqii Madaxweynaha Jubbaland, waxa uuna xusay in uu rajeenayo in go’aanno wax ku ool ah kasoo baxaan shirka wadatashiga ee ka dhacaya Kismaayo.

Xildhibaanno kale oo katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka , ayaa la filayaa in iyana saacadaha iyo maalmaha soo socda u tagaan magaalada Kismaayo shirka wadatashiga uu ku baaqay Axmed Madoobe.

 

Related posts

Jarmalka oo Ballanqaad cusub oo muhiim ah u sameeyay Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade

Hirshabelle oo qaadacday Shirka Wadatashiga ee ka furmaya Muqdisho iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Xamse Barre oo shaaciyay qorshe cusub oo Xukuumadiisa wado (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---