Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Xafiiskiisa kula Kulmay Samuli Virtanen (Daawo Sawirada)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland, Samuli Virtanen oo Muqdisho soo gaaray.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland, Samuli Virtanen, ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dawladood, fududaynta isu socodka, kor-u-qaadidda taageerada Finland ay siiso Soomaaliya, horumarinta ganacsiga iyo dar-dar gelinta mashaariicda dawladda Finland ay ka fuliso Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland ayaa Ra’iisul wasaare Khayre u sheegay dawladda Finland in ay aqoonsanayso baasaboorka Soomaaliya iyo in si toos ah ay dawladda dhaqaale ugu taageerayso ayna joojinayso dhaqaalihii ay usoo marsiin jirtay hay’adaha kale.

Wasiir dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Khayr oo kulanka kadib ka war bixiyay ayaa sheegay in Dowladda Finland ay maalgashi ku samaynayso Soomaaliya, isagoo xusay in ay wafdi gancsato ah oo ka socda shirkadaha dalka Finland qaarkood ay imaanayaan Muqdisho horraanta sannadka 2019.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finlan Samuli Virtanen ayaa inta uu joogo Muqdisho waxa uu kulamo la qaadanayaa qaar kamid ah wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ay ka wada hadlayaan arrimo muhiim u ah horumarka dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Toogasho dad lagu laayey oo ka dhacday Masjid ku yaalla..

Caydiid Ali

Kuleylkii ugu sareeyey abid oo laga dareemay qeybo ka mid ah Qaarada Yurub

Caydiid Ali

Nin Dilay Caruur badan kana dhuuqa Dhiiga oo ka baxsaday Xabsi uu ku xirnaa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---