Nin Dilay Caruur badan kana dhuuqa Dhiiga oo ka baxsaday Xabsi uu ku xirnaa

Xabsi kuyaala magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya waxaa ka baxsaday nin lagu eedeeyay in uu dil kufsi u geestay Caruur badan , waxaa sidoo kale ninkan lagu eedeeyay caruurta uu dilay in uu dhiiga ka dhuuqi jiray.

Masten Millimo Wanjala oo bishii july ee sanadkan xireen ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa si lama filaan ah uga baxsaday xabsi ku dhax yaala saldhigga booliska Joogo Road ee ee magaalada Nairobi.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku warantay in baxsashada ninkan dad cunka ah cabsi badan galisay magaalada , lama oga ilaa hada cida fududeesay baxsashada ninkan beegsan jiray caruurta yar yar.

Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in ay socdaan howlgalo lagu baadi goobayo ninkan baxsadka ah, waxa ayna ddaka ku war galiyeen in ninkan ka fogaadaan una soo gudbiyaan xogta ninkan baxsadka ah hadii ay arkaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -