Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir katirsan Xukuumadda Soomaaliya oo is casilay kana hadlay sababta

Wasiiru Dowlihii wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgaahiga C/rashiid Jire Qalinle,  ayaa iska casilay xilkiisa, waxaana istiqaalada is casilaadiisa u gudbiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Qoraal uu soo saaray Wasiir C/rashiid Jire oo ka soo jeeda Jubbaland ayaa is casilaadiisa ku sababeeyay dhowr arrimood oo intooda badan eedda ku saaray Xukuumadda iyo Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee UPD.

Wasiirka ayaa sheegay in hab dhaqanka Xukuumadda Dan Qaran aan u adeegeyn Ummadda Soomaaliyeed oo ay noqotay mid ka shaqeyneysa dano gaar ah, sidoo kale hal ku dhiggii Soomaali heshiis ah Dunidana la heshiis ah uu noqday wax kama jiraan ah oo dagaallo sokeeye ka socdaan meelo badan, isla markaana DFS aysan wada shaqeyn ka dhaxeyn Dowlad Goboleedyada.

Related posts

Hajabaadii Trump oo saameyn xun ku yeelatay dalalka BRICS

Cabdi Cade

Pope Francis oo booqanaya Mid ka mid ah dalalka Islaamka oo Martiqaaday

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Stefan Tillander iyo Xubno kale (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---