Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Tanja Fajon oo Muqdisho timid (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Yurub ee Slovenia Mrs. Tanja Fajon, oo booqasho ku timid Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ayaa ka wada hadlay sidii Soomaaliya iyo Slovenia isaga kaashan lahaayeen danaha guud ee labada dal gaar ahaan arrimaha isbeddelka cimilada, daryeelka bulshada, amniga iyo xuquuqda aadanaha, maadaama ay Soomaaliya ka mid noqoneyso Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo Slovenia ay xubin ka tahay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga warbixiyey dagaalka dowladda Soomaaliya ay kula jirto kooxaha Khawaarijta ah, howlgallada socda ee ka dhanka ah argagixisada iyo guulaha la taaban karo ee dowladdu ka samaysay dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bulshada, iyadoo Mrs Fajon ku ammaantay Soomaaliya guulaha waaweyn ee ay gaartay labadii sano ee la soo dhaafay.

Related posts

Daawo Sawirada: Taliyaasha ciidamada Soomaaliya oo gaaray Dhuuso Mareeb

Cabdi Cade

Xildhibaan kufsaday gabar aan qaangaarin oo xukun adag lagu riday (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirka Difaaca Kenya oo gaaray Kismaayo lana kulmay Axmed Madoobe (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---