Pope Francis oo booqanaya Mid ka mid ah dalalka Islaamka oo Martiqaaday

Wadaadka ugu weyn mad’habta diinta Katooliga ah Pope Francis ayaa maanta galinka dambe booqanaya dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, waana booqashadii ugu horeysay ee uu dalkaasi ku tago.

Pope Francis Waxaa marti-qaad u sameeyay Hoggaamiyaha Abu Dubai, Shiikh Mohammed bin Zayed Al-Nahyan waxaana lagu wadaa inuu ka qayb galo shir diimeed ka dhacaya Imaaraadka .

Waxaa la filayaa in soo dhaweyntiisa ay ka qayb galaan dad gaaraya 120,000 oo qof .

Booqashada wadadkaan ayaa isha si weyn loogu hayaa gaar ahaana waxa uu ka dhihi doono colaadda dalka Yeman oo Imaaraadku si weyn ugu lug leeyahay .

Pope Francis waxaa uu horey u cambaareeyay isku dhacyada ka jira dalka Yeman ee isbahaysiga Sacuudigu hoggaaminayo dalkaasi Imaaraadkuna qaybta ka yahay.

Imaaraadka waxaa ku nool ku dhawaad hal milyan oo qof oo haysta diinta Katooliga kuwaasoo badankoodu ka soo jeeda dalalka Filipiin iyo Hindiya .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -