Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Stefan Tillander iyo Xubno kale (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hab maqal iyo muuqaal ah kulan kula yeeshay Safiirka Sweden ee Soomaaliya Stefan Tillander oo ay weheliyaan Masuuliyiinta ka tirsan Dowladda Sweden iyo Madaxda Hay’adda Diakonia ee Soomaaliya.
 
Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga Puntland iyo Sweden, Iyadoo xoogga la saaray dardargelinta nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland, Sweden ayaa bogaadisay dadaalka Madaxweynuhu ku bixiyey hirgelinta dimuqraadiyadda oo xilli hore la billaabay.
 
Madaxweynaha waxaa kulanka ku weheliyay Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cismaan, Wakiilka Puntland ee Dalka Sweden Mudane Abdicasiis Cilmi Birjeeb, Masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada iyo La Taliyeyaal Madaxweyne .
 
Madaxweynaha Puntland ayaa kulamo kala duwan hab maqal iyo muuqaal kula qaadanayay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya kuwaa uu kala hadlayay xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Doorashada lagu muran sanyahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -