Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweynaha Finland oo aad ula yaabay hadal kasoo yeeray Donald Trump

Madaxweynaha dalka Finland Sauli Niinisto iyo shacabka dalkaasi ayaa aad ula yaabay hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump.

Madaxweyne Trump oo dhawaan booqday qeybo kamid ah gobolka California uu ka socday dab xoogan ayaa sheegay madaxweynaha Finland uu u sheegay in ay xaaqaan xaabada dhirta, sidaasna ay kula tacaalaan dabka ka kaca kaymaha.

Hadalka kasoo yeeray Donald Trump waxaa aad ula yaabay Madaxweynaha dalka Finland Sauli Niinisto, waxa uuna sheegay Madaxweynaha in uusan xasuusan goorta uu hadalkan u sheegay Trump.

Madaxweyne Trump hadalkan uu sheegay ayaa noqday mid si weyn looga hadal hayo dalka Finland aragtiyo kala duwana laga bixiyay, waxa ayna dadka qaar Trump ku tilmaameen nin been badan oo iska camirta hadalo aan loo sheegin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan lagu xiray Magaalada Kismaayo iyo xiisad culus oo ka dhalatay

Caydiid Ali

Miisaaniyadda dowlada ee 2019 Iyo Xisaab Xirka Miisaaniyaddii 2018 oo dib loogu noqonayo iyo Sababta keentay (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo:-Sidoo loo arkaa in Wasiir Goodax go’aan ka gaaray waxa laga yeelayo ardayda Puntland ee aan gelin Imtixaanka !!

admin
Taboola Ads ---