Xildhibaan lagu xiray Magaalada Kismaayo iyo xiisad culus oo ka dhalatay

Xaalada Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa kacsan iyadoo isku socodka dadka iyo Gaadiidka qeybo ka mid ah magaaladaas khal khal xoogan laga dareemay gelinkii dambe ee maanta illaa caawa.

Arrintan ayaa timid kadib markii Ciidamada Jubbaland ay Xabsiga dhigeen Xildhibaan Axmed Taajir oo ka mid ah Xildhibaanada Jubbaland kaasoo shalay Gudiga Anshaxa Baarlamaanka Jubbaland ay xasaanada ka xayuubiyeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Xaafado ka mid ah Kismaayo ay gaaf wareegayaan ciidamo ku heyb ah yihiin Xildhibaan Axmed Taajir, iyagoo qoryo culus saartay dabaqyo halkaas ku yaalla.

Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad sugida Jubbaland ayaa wadooyinka Waaweyn ee Kismaayo la dhigay si ay amaanka u xaqiijiyaan, waxaana halkaas ka taagan xiisad beeleed.

Ciidamada Juballand ayey sidoo kale wararku sheegayaan iney baadi goob ku hayaan Xildhibaano dhawaan mooshin ka gudbiyay Axmed Madoobe si ay u xiraan

Dadwewynaha qaarkood ayaa sheegaya iney dareemayaan walaac badan iyadoo xaafadaha Kismaayo laga maqlayo mararka qaarkood rasaas ay ridayaan Ciidamada Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -