Xukun dil ah oo saakay lagu fuliyay Cabdirisaaq Cumar Cabdullaahi (Daawo Sawirada)

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee  maamulka Jubbaland ayaa saakay xukun dil ah  ku fulisay askari katirsanaa ciidanka Daraawishta maamulkaasi oo dhawaan Kismaayo ku dilay Nabadoon caan ah.

Askariga xukunka dilka ah lagu fuliyay oo lagu magacaabayay Cabdirisaaq Cumar Cabdullaahi ayaa lagu helay 27-kii Bishii October ee Sanadkan in uu Magalada Kismaayo ku dilay Nabadoon Xassan Goolo oo kamid ah Waxgaradka Caanka ka ah Kismaayo.

Maxkamada ayaa saakay xukunka dilka ah ku fulisay askarigan oo horey Maxkamada ciidamada xukunka dilka ah ugu riday, waxaana dilkan lagu fuliyay askariga soo dhaweeyay ehelada nabadoonkii uu horey u dilay.

Askariga saakay xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa kamid ahaa 11-askari oo dhawaan magaalada Kismaayo dagaal kula galay ciidamada maamulka Jubbaland, waxaana askarta kale lagu riday xukunoxabsi ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -