Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo mar kale  ka codsatay Kenya in ay usoo gacan galiso C/rashiid Janan

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle ayaa ka hadlay baxsashadii Wasiirka amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo hada abaabul dagaal kawada gobolka Gedo.

Waxa uu sheegay Wasiirka Amniga Soomaaliya in guddi baaritaano ku sameeya loo saaray baxsashadii C/rashiid Janan oo ka baxsaday xabsi gaar ah oo Muqdisho kaga xirnaa kadibna doon ku gaaray magaalada Kismaayo.

Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa meesha ka saaray suurto galnimada in saraakiil iyo xubno katirsan dowlada federaalka Soomaaliya ku lug lahaayeen baxsashadii Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan .

Mr Ducaale ayaa sheegay in Janan uu ku sugan yahay Mandheera iyo Balad Xaawo , waxa uuna ka codsaday dowlada Kenya in ay soo qabato C/rashiid Janan una soo gacan galiso dowlada federaalka.

Wasiirka Amniga ayaa ugu baaqay dowlada Kenya in ay ilaaliyaan darisnimada iyo xiriirka wanagasan ee kala dhaxeeya Soomaaliya, waxa uuna uga digay in ay hooy u noqdaan maxbuus dowlada ka baxsaday.

Dowlada Soomaaliya ayaa horey dowlada Kenya uga codsatay in ay usoo gacan galiso C/rashiid Janan oo dalkeeda ku sugan, waxa ayna dowlada Soomaaliya jartay waaran lagu soo xiri karo C/rashiid Janan oo hada abaabul dagaal kawada gobolka Gedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo Weerar xoogan ku qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidamada AMISOM

Cabdi Cade

Waddooyinka sida Sharcidarada u xiran ee Muqdisho iyo arrimo kale oo laga shiray

Cabdi Cade

Danjire Tarsan oo Raaligelin ka bixiyay hadal uu ku weeraray Madaxweyne Deni iyo Beeshiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---