Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xasan Shiikh oo qorsheynaya inuu booqdo Xarumaha dowlad goboleedyada

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Xisbiga UPD Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabaya socdaal uu ku kala bixinayo xarumaha dowlad goboleedyada dalka.

Safarkiisa koowaad ayaa maalinta berri lagu wadaa inuu ku gaaro magaalada Kismaayo ee xarunta Jubadda Hoose, iyadoo wafdi hordhac u ah safarkiisa ay maanta gaareen halkaas.

Booqashada Xasan Shiikh ku tagayo Kismayao ayaa ku soo aadeysa xili uusan wanaagsaneyn xiriirka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa mar caqabad siyaasadeed ku noqday dowladii Madaxweyne Xasan Shiikh inkastoo markii dambe arintaas lagu dhameeyey heshiis lagu saxiixay Addis ababa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Abuukar Cabdi Geelle oo shaaciyey inuu xilka iska casilay, kana hadlay Sababta

Caydiid Ali

Dhallinyaro laga soo tarxiilayo Ruushka iyo safaaradda Soomaaliya oo ka hadashay

Cabdi Cade

Farmaajo oo fariin u diray shacabka Soomaaliyeed, kana hadlay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---