Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Geelle & RW Abiy Ahmed oo kulan gaar ah ku yeeshay Addis ababa (Sawirro)

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa gaaray Magaalada Adis ababa halkaasoo uu wadahadalo kula yeeshay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

waxaa kulanka looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin xaaladda geeska Afrika, xiriirka Itoobiya iyo Jabuuti, cunaqabateyntii dhowaan laga qaaday Eritrea.

Madaxweyne Geelle ayaa Ra’isul wasaare Abiy uga mahad celiyey kaalintii uu ka qaatay in cunaqabateynta laga qaado Eritrea.

Qodobada kale ee laga wada hadlay waxaa ka mid ah sidii Itoobiya kaalin uga qaadan lahayd dib u soo celinta xiriirka Eritrea iyo Jabuuti iyo xalinta muranka dhinaca xadka ah ee labada dhinac u dhexeeya.

Geelle oo Addis ababa kaga qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaalka ay dowladaha Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya ka muujiyeen is dhexgalka dhinaca dhaqaalaha Bariga Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhac Nuuc cusub ah oo ka bilowday Muqdisho iyo shacabka oo cabsi badan lasoo daristay

Cabdi Cade

(Sawirro) Rooble oo qodobo xasaasi ah kala hadlay Gudoonka Guddiga doorashada federaalka

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Kheyre oo booqday xarunta Jaamacadda caalamiga ah ee Afrika (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---