Farmaajo oo fariin u diray shacabka Soomaaliyeed, kana hadlay..

Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa fariin hambalyo ah u diray shacabka Soomaaliyeed taasoo ku aadan munaasabadda 63 guurada ka soo wareegtay maalintii gobollada koonfureed ee dalkeennu ay xorriyadda qaateen, isla markaana labadii gobol ee woqooyiga iyo koonfur ay midoobeen.

HOOS KA AKHRISO FARIINTA FARMAAJO OO DHAMEYSTIRAN

Hambalyo Munaasabadda 1-da Luuliyo

Dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan ugu hambalyaynayaa munaasabadda 63 guurada ka soo wareegtay maalintii gobollada koonfureed ee dalkeennu ay xorriyadda qaateen, isla markaana labadii gobol ee woqooyiga iyo koonfurta dalkeennu ay midoobeen.

Toddobaadka xorriyadda dalkeennu waa mid ku suntan, una taagan gobannimada, midnimada iyo jiritaanka ummadnimo. Waxaana xuska iyo weynaynta maalmaha xorriyaddu ay dib inoo xasuusinayaan waddaniyaddii, Soomaali jacaylkii iyo sooyaalka halgameyaashii iyo dhaqdhaqaaqyadii gobannimo doonka ahaa ee dhaliyey xorriyadda dalkeenna.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku boorinayaa in ay mar walba xusuustaan una duceeyaan halyeeyadii naftooda u huray sidii ay dalkeenna iyo dadkeenna uga kor qaadeen heeryadii gumaystaha, waana in aynu sooyaalkooda ka barannaa cashar aynu ku dabbaqno nolosheenna maanta, innaga oo xoojinayna dal jacaylka iyo midnimada dhexdeenna ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -