Allbanaadir.com
NEWS

Masuuliyiin ka socota Turkiga oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay (Sawirro)

Waxaa saakay magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socday dowladda Turkiga, waxaana wafdigan oo dhowr wasaaradood ka socday hoggaaminaya Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga ee Dalka Turkiga.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa kusoo dhaweeyya wafdigan ka socday dowladda Turkiga wasiirro katirsan xukuumadda Soomaaliya iyo masuuliyiin kale, waxaana wafdigan loo galbiyay goobo loogu tala galay in la dejiyo.

Masuuliyiinta ka socota dowladda Turkiga ayaa magaalada Muqdisho u yimid sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen soo dhaweynta markabka Turkiga ee dalkeenna u imaanaya sahminta shidaalka Soomaaliya, kaa oo la filayo in uu kusoo xirto dekadda Muqdisho.

Ammaanka dekadda magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana la joojin doonaa shaqada dekadda ka socota marka uu dekadda kusoo xirto markabka sahminta shidaalka ee Turkiga leeyahay, kaa oo la filayo in maalmaha soo socda Muqdisho soo gaaro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wiilkii Ciidanka Dowladda ku hor dileen Hooyadiis oon wali la aasin iyo Ehelkiisa oo Caddaalad dalbanaya

Cabdi Cade

(Sawirro) Madaxweyne Deni iyo Golihiisa Wasiirada oo ka wada hadlay qodobo Muhiim ah

Caydiid Ali

Xukuumadda Soomaaliya oo xoojisay Baaqii kasoo baxay xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA

Cabdi Cade
Taboola Ads ---