Allbanaadir.com
NEWS

Dhallinyaro laga soo celiyay dalka dibadiisa oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay (Sawirro)

Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Batroolka, Amniga, Taliyaha Booliska iyo Ergeyga Xafiiska Madaxweynaha JFS ugu qaabilsan Arrimaha Soogalootiga iyo Xuquuqda Carruurta ayaa saakay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay 164 dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaas oo laga soo saaray xabsiyada Dalka Libya.

109 qof oo kamid ah dhalinyaradaas ayaa laga soo dejiyay magaalada Muqdisho, halka 55 qof oo kale laga dejiyay Garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dheer u gashay soo badbaadinta dhallinyaradaan oo muddo dheer ku dhibaateysneyd xabsiyada dalka Libya, iyagoo gacanta u galay kooxo Magefayaal ah, waxaana hadda lagu guuleystay in dib loogu soo celiyo dalkooda Hooyo.

Dhallinyaradan Soomaaliyeed ee maanta dalka dib loogu soo celiyay ayaa markii hore hamigoodu ahaa in ay Yurub galaan, hasa ahaatee waxaa qafaashay oo dhibaateeyay kooxo magefayaal ah oo dadka ka ganacsada.

Related posts

Daawo:-Muqdisho oo ka faa’iideysaneysa hal arrin Doorashada Dhaceysa 2020/2021

Caydiid Ali

Toogasho carruur badan lagu laayay oo ka dhacday xarun Xanaano (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

QM oo dalbatay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo Geerida Max’ed Morsi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---