Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Shacabka oo ansixiyay heshiiska ka hortaga dembiyadda abaabulan iyo baratakooladiisa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka guud ee Golaha Shacabka.

Ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux ayaa dhaariyay Ra’isulwasaare Kuxigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha cusub ee Golaha Wasiiradda.

Intaasi ka dib mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa u codeeyay heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaalanka dambiyada abaabulan ee isaga kala gudba qaramada iyo baratakooladiisa, waxaana ogolaatay 138-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday sedax Xildhibaanna waa ay ka aamustay.

Sidoo kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa u codeeyay Hindise Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed, waxaana ogolaatay 140-Xildhibaan hal Xildhibaan ayaa diiday laba Xildhibaanna waa ay ka aamustay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanadda uga mahadceliyay ansixinta heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaalanka dambiyada abaabulan ee isaga kala gudba qaramada iyo baratakooladiisa iyo sidoo kale Hindise Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed.

 

Related posts

Dad badan oo loo tahriibinayo Yurub iyada oo laga dhigayo Shaqaale dowladeed

Cabdi Cade

Al-Bashiir oo mar kale la soo taagay Maxkamad iyo dacwado lagu soo oogay

Caydiid Ali

Dood labo oday ee kala taageersanaa Dowladda & Mucaaradka oo ku dhax martay Maqaayad ku taal Muqdisho !!

admin
Taboola Ads ---