Allbanaadir.com
NEWS

Hormuud oo war kasoo saartay dil maanta ka dhacay xarunteeda

Shirkadda isgaarsiinta Hormuud , ayaa war ay soo saartay ku faah faahisay dil maanta xarunteeda weyn ee magaalada Muqdisho loogu geestay askari katirsanaa ciidanka dowladda oo laga shakiyay.

Warka kasoo baxay Hormuud Telcom , ayaa lagu sheegay in askar hubeysan oo damacdanaa in lacag kala baxaan number aysan laheyn shirkadda yimaadeen,  ragaas ayaa sidoo kale la sheegay in ay gabar afduub ahaan shirmadda xarunteeda u keeneen si ay lacag numberka uga bixiso.

Hormuud ayaa warka ay soo saartay ku sheegtay in iska horimaad dhax maray ilaalada xarunta iyo askarta hubeysan ay sababta in goobta lagu dilo mid kamid ah raggii hubeysnaa ee xarunta yimid.

Related posts

Saalax Axmed ”Somaliland waxay ka mid tahay Soomaliya mana geli karto heshiis Caalami ah

Cabdi Cade

Murankii u dhexeeyey dowlada federaalka & Mukhtaar Roobow oo xal laga gaaray

Caydiid Ali

Somaliland oo baareysa Iskuulka Abaarso iyo haweeneyda faafisa diinta Masiixiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---