Somaliland oo baareysa Iskuulka Abaarso iyo haweeneyda faafisa diinta Masiixiga

Wasaaradda diinta iyo awqaafta Maamulka Somaliland ayaa shaacisay iney baareyso wararka sheegaya in diinta masiixiga lagu faafiyo iskuulka abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

Talaabadan ay qaaday Somaliland ayaa ka dambeysay ka dib markii 24kii saac ee la soo dhaafay baraha bulshada ay qabsatay sheekada ku saabsan haweeney la sheegay iney tahay baaderiyad oo madax ka ah Jaamacada Barwaaqo, taasoo u dhalatay dalka Nigeria.

“Sida aad la wada socotaan, waxaa maalmahan soo baxaya tuhunno la xiriira Jaamacadda Barwaaqo iyo Iskuulka Abaarso, iyadoo la sheegayo in maamulaha Jaamacaddaasi ay tahay Baadariyad faafinaysa Diinta Kiristanka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada.

“Haddaba, Wasaaradda Diinta iyo Awaaafta oo kaashanaysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, waxa ay baadhayaan oo ay gacanta ku hayaan tuhunnadaasi soo baxaya. Sidaa daraadeed, dadweynaha waxaa laga codsanayaa inay dhowraan natiijada baaritaanka ee arrintani” ayaa lagu soo gebagebeeyey  qoraalka Wasaaradda.

Hadal heynta ku saabsan in iskuulka abaarso iyo Jaamacada barwaaqo lagu hayo arrimo ka dhan ah diinta Islaamka ayaa cirka isku shareertay ka dib markii shalay Booliska Somaliland ay xireen Weriye C/Maalik Coldoon oo baraha bulshada ku faafiyey in labadaas goobood ardayda lagu baro arrimo ka dhan ah diinta Islaamka, ayna joogaan baaderiyaal faafinaya diinta Kiristaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -