Murankii u dhexeeyey dowlada federaalka & Mukhtaar Roobow oo xal laga gaaray

Sida ay xaqiijiyeen ilo Wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Magaalada Baydhabo isfaham ayaa laga gaaray murankii u dhexeeyay dowlada dhexe iyo Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu mansuur, kaasoo ku aadanaa in Roobow isku sharxi Karin xilka Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed.

Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa Maalmo ka hor soo saartay warqad looga hor istaagayo Roobow  in uu u tartamo xilka Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed hase ahaatee Mukhtaar Roobow ayaa ku gacan seyray arintaas.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa gaaray Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen oo la sheegayo in kulamo xiriir ahaa uu la qaatay Mukhtaar Roobow.

Kulamada labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray warqadii 4-tii bishan ka soo baxday Wasaarada amniga ee Roobow loogu diiday sabab la xiriirta inuusan buuxin shuruudihii lala galay beesha caalamka ee ku aadanaa ka qaadista xayiraadaha dhinacyada badan ee saarnaa.

Wararka ayaa sheegaya in Mukhtaar Roobow loo ogolaaday in ololahiisa ka sii wato Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay, inkastoo illaa hadda aan faahfaahin laga bixin qaabka arintaas isfahamka looga gaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -