Allbanaadir.com
NEWS

Shir ay dowladda Soomaaliya guddoomineyso oo ka furmay Qatar

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Soomaaliya, ahna guddoomiyaha shirweynaha 70-aad ee Hey’adda Caafimaadka Aduunka WHO/EMRO H.E Dr. Ali Haji Adam, ayaa magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar ka furay kulanwaynaha 71-aada ee (RC71).

Shirweynahan ka furmay magaalada Doha, ayaa sannadkaan diiradda lagu saarayaa arrimo dhowr ah ay kamid yihiin horumarinta Caafimaadka dalalka ku mideysan WHO/EMRO, iyadoo Soomaaliya ay ka tahay xubin firfircoon.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr Cali Xaaji Adam ayaa khudbad uu jeediyay kaga hadlay dadaalada ay dowlada Soomaaliya ugu Jirto horumarinta caafimaadka iyo caqabadaha ka jira meelo kala duwan.

Wasiirka ayaana madaxda gobolka ku baraarujiyay in gurmad caafimaad  oo deg deg ah la gaarsiiyo dalalka ay shaqaaqooyinku ka jiraan oo ay ka mid yihiin Sudan, Lebanon, Gaza iyo Yemen, dalalkaasi ay ka jiraan colaado iyo xaalado kale oo adag.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulamadii lagu xalinayey khilaafka Farmaajo & Rooble oo mar kale isku mari waayey

Caydiid Ali

Ciidamada Tigrey oo la wareegay magaalada Kobo iyo Dowladda oo ka hadashay

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo safar yaab leh ku tagaya dal ka tirsan Yurub

Caydiid Ali
Taboola Ads ---