Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ciidamada Tigrey oo la wareegay magaalada Kobo iyo Dowladda oo ka hadashay

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada federaalka Itoobiya iyo kuwa jabhada Togrey ayaa kasoo cusboonaaday waqooyiga dalka Itoobiya, dagaalka ayaa durba waxaa guulo ka gaaray kooxda TPLF oo la wareegtay magaalooyin dowladda horey u joogtay.

Ciidamada federaalka Itoobiya ayaa isaga baxay magaalada Kobo oo katirsan gobolka Amhaarada, kaddib markii magaaladaasi dagaal culus oo dhoor jiho ah kusoo qaadeen ciidamada TPLF.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada TPLF ayaa sidoo kale la wareegay deegaano kale oo horey gacanta ciidamada milatariga Itoobiya ugu jiray, waxa ayna jabhada isku dayayaan in ay la wareegaan dhul hor leh.

Bayaan ka soo baxay xafiiska isgaarsiinta dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in ciidankooda isaga baxaan magaalada si loo yareeyo khasaaraha, waxa ayna sheegeen in kooxda TPLF weeraro dhoor jiho ah kusoo qaadeem magaalada.

Xabbad joojintii u dhaxeeysay ciidamada milatariga Itoobiya iyo kuwa TPLF ayaa burburtay, waxaana kooxda Tigrey ku eedeesay ciidamada federaalka in ay jabiyeen xabbad joojintii ayna soo qaadeen weeraro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Geelle oo khudbad taariikhi ah u jeediyey Xubnaha labada aqal (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii caawa ka dhacay Muqdisho iyo sida xaalku yahay

Cabdi Cade

Xiliga uu furmayo kalfadhiga labaad ee Baarlamanka Somalia oo la shaaciyey (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---