Allbanaadir.com
NEWS

Golihii deegaanka Degmada Xudur oo hal Sabab darteed loo kala diray

Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdullaahi Xaaji Xasan, ayaa kala diray guddoonka iyo golaha deegaanka ee degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, kadib markii lagu eedeeyay shaqo xumo iyo wadashaqeyn la’aan dhaxdooda ah.

Wareegto kasoo baxday Wasiirka Arrimaha gudaha Koonfur Galbeed, ayuu ku sheegay sababaha shaqada looga joojiyay guddoonka iyo golaha deegaanka Degmada Xudur ay tahay khilaaf iyo wada shaqeyn xumo dhaxdooda ah, taas oo curyaamisay howlihii maamulka iyo adeegga bulshada.

Wasiirka ayaana si KMG ah u magacaabay guddi fuliya siina qabta xilalkii iyo shaqadii golaha deegaanka degmada Xudur, waxa uuna xusay wasiirka in muddo saddex bilood gudahood lagu soo dhisi doono golle deegaan cusub oo yeelato xarunta gobolka Bakool ee Xudur.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaalidii ugu badneyd oo Coronavirus ugu geeriyootay dalka Sweden

Caydiid Ali

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno katirsan kooxda Al Shabaab

Cabdi Cade

Imaaraadka oo Agabkii ka yaalay Muqdisho ku raranaya Markab ku xiran Dekadda (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---