Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo kormeeray ciidamada Cirka ee Eritrea lagu tababarayo (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddadii uu ku guda jiray booqashadiisa dalka Eritrea, waxa uu kormeeray xerada ay ku tababaranayaan Ciidamada Cirka Soomaaliyeed, halkaasi oo uu warbixinno uga dhageystay Macallimiinta iyo Saraakiisha hoggaaminaya ciidamada.

Madaxweynaha ayaa ciidamada ku boorriyay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda aqoon kororsiga ah, si ay door taariikhi ah uga qaataan difaaca, dib u xoreynta iyo sugidda amniga dalkooda hooyo.

Xasan Sheekh, ayaa xusay muhiimadda ay ciidamada u leeyihiin ilaalinta madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay dowladdu uga go’an tahay tayeynta iyo hormarinta ciidamada qalabka sida.

Related posts

Dowladda oo Shaacisay magacyada saddex Sargaal oo xalay laga dilay kooxda Al Shabaab

Cabdi Cade

Mareykanka oo shaaciyay Khasaaraha Al Shabaab ku gaarsiiyeen duqeyn ka dhacday Dabad Shiil

Cabdi Cade

Galka hoggaaminta iyo shaqada ciidanka oo loo kala wareegiyay Sulub iyo Diyaano

Cabdi Cade
Taboola Ads ---