Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xarun Degmo ay Al-Shabaab qarxiyeen oo dib u dhis lagu sameeyay (Daawo Sawirada)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha cusub ee Xarunta degmada Hodan.

Xarunta maamulka degmada Hodan ayaa dib u dhis balaaran lagu sameeyay kadib qaraxii Al Shabaab ku weerareen xaruntaasi 10 September ee sanadkii 2018-kii, waxaana qaraxaasi uu bur buriyay qeybo badan oo xarunta kamid ah.

Dib u dhiska lagu sameeyay xarunta degmada Hodan ayaa socday mudo dheer, waxaana maanta si rasmi ah xarunta xariga uga jaray Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho isagoo sidoo kale kormeeray xafiisyada xarunta degmada.

Al Shabaab ayaa horey qaraxyo ugu weeraray qaar kamid ah xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana xarumahaasi lagu sameeyay dib u dhis iyadoona la adkeeyay amaanka wadooyinka loo soo maro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Iran oo ku shaacisay in Jawaab deg deg ah ka bixin doonto Weerarkii Israa’il

Cabdi Cade

Ciidamada dowlada oo galabta dagaal kula wareegay degaan ka tirsan galbeedka Hiiraan

Caydiid Ali

Aktarka Will Smith oo Masrax ku dharbaaxay Majaajiliistaha caanka ah ee Chris Rock (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---