Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo la kulmay Antony Blinken iyo Demeke Mekonnen (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre , oo magaalada New Yourk kaga qeyb galaya shirka guud ee golaha Qaramada Midoobay , ayaa halkaasi kula kulmay madax kala duwan.

Xamse Barre ayaa madasha uu ka socdo shirka Qaramada Midoobay ee New York kula kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Antony Blinken, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa sidoo kale kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka Ethiopia, Demeke Mekonnen Hassen, oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Waxaa sidoo kale la filayaa Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya in madax kale oo shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay ka qeyb galeyso kula kulmo magaalada New Yourk kalana hadlo xaalada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyihii ciidamada Kenya oo shil dayuuradeed ku dhintay & DF oo ka tacsiyadeysay

Caydiid Ali

Shiinaha oo Tijaabiyay Gantaal aan horey loo arag iyo Mareykanka oo si weyn uga naxay !

Cabdi Cade

Keligii taliye Afrikaan ah oo sheegay in Somalia aysan ka jirin wax dowlad ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---