Allbanaadir.com
NEWS

Toogasho dhimasho & dhaawac geysatay oo ka dhacday Israel

Ugu yaraan hal qof oo Israa’iili ah oo lagu sheegay booliis ayaa lagu dilay 10 kalena waa lagu dhaawacay toogasho ka dhacday magaalada Beersheba ee koonfurta dhulka ay Israa’iil heysato.

Qofka la dilay ayaa aheyd haweeney ka tirsan Booliska Israel

Toogashadan ayaa dhacday maalin ka hor sanadguurradii koowaad ee weerarkii 7-dii Oktoobar Xamaas ku qaaday Israel.

Weerarka oo ay si dhaqso ah u soo dhaweysay Xamaas ayaa ka dhashay markii nin hubaysan oo gudaha u galay makhaayad McDonald oo  ku dhaweyd xarun basaska laga raaco uu rasaas ku furay Israa’iiliyiintii goobta joogay

Booliiska Israa’iil ayaa sheegaya Ahmed Suliman Al-Ukbi oo ahaa ninka weerarka geystay oo ahaa 29 jir heysta dhalashada Israa’iil isna la dilay.

Weerarkan ayaa muujinaya koror aan caadi ahayn oo la xiriira toogashada iyo weerarrada ka dhacaya gudaha Israa’iil, iyadoo la xasuusto togashadii ugu dhimashada badnayd inay toddobaadkii hore ka dhacday Tel Aviv markii falastiini hubeysan oo 8 qof dilay 13 kalena dhaawacay.

Related posts

Waa Kuma Xildhibaanka si dhab ah ugu hadlay gumaadka ay ka geysanayaan Gobalka Gedo Ciidanka Kenya(Video)

admin

Al-shabaab oo dagaalyahano badan looga dilay Weeraro dhinaca cirka ah

Caydiid Ali

Daawo Video: “Qaran jabkii ugu waynaa ee dalka ka dhacay yaa sabab u ahaa..?!

admin
Taboola Ads ---