Allbanaadir.com
NEWS

Cali Khamenei oo deg deg looga saaray hoygiisa, lana geeyey..

Hoggaamiyaha sare ee Iran , Cali Khamenei ayaa lagu warramayaa in si deg deg looga kaxakeeyay gurigiisa magaalada Tehran, waxaana la geeyay goob nabdoon , arrintan oo lagu sheegay in lagu xaqiijinayo amnigiisa, sida ay sheegtay Reuters.

Talaabadan ayaa timid Kaddib markii ay Xisbullah oo ah kooxda ugu weyn kooxaha Iran taageero ay Sabtidi shalay xaqiijisay dilka hoggaamiyahoodii Hassan Nasrahallah oo ku geeriyooday duqeyn Israel ka fulisay Beirut

Barta gaarka ah X ee  Khamenei  ayaa sidoo kale lagu baahiyay inuu hoggaamiyaha sare soo saari doono warsaxaafadeed uu uga hadlayo duulaanka Israa’iil ee Lubnaan.

Iran ayaa lagu warramaya inay diyaarinayso ciidammo ay u diraan Lubnaan iyo iyo dhinaca Suuriya ee buuraha Golan, iyadoo ay sheegtay shabakadda NBC inuu u sheegay ku-xigeen arrimaha caalamiga ah ee Iran, Mohammad Hassan Akhtari; “Waxaan u diri karnaa ciidamo Lubnaan si ay ula dagaallamaan Israa’iil, si la mid ah 1981-dii

Taliye ku-xigeenkii howlgalka ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran, Cabbaas Nilforoushan oo sidoo kale ahaa ku simaha taliyaha ciidanka ilaalada kacaanka dibadda ee loogu yeero Quds ee Lubnaan iyo Suuriya ayaa la xaqiijiyay inuu ka mid yahay saraakiisha sare ee la geeriyooday Nasrallah , kaddib weerarkii ay Israa’iil ku beegsatay goobta ay ku sugnaayeen ee xarunta dhexe ee ururka Xisbullah ee koonfurta Beirut.

Related posts

Qorshe lagu yareynayo ciriiriga ka taagan jidadka oo ka bilowday Muqdisho

Caydiid Ali

Ciidamada Danab howlgal qorsheesan kusoo qabtay xubno katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Wasiirka Caddaaladda oo bilaabay abaabulka dullaan ku wajahan Ceelbuur iyo Galhareeri (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---