Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Caddaaladda oo bilaabay abaabulka dullaan ku wajahan Ceelbuur iyo Galhareeri (Sawirro)

Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud, ayaa magaalada Dhuusamareeb ka wada abaabulka duullaanka dowladdu ay horumuudka ka tahay ee lagu xoreynayo degmooyinka Ceelbuur ,Galhareeri iyo deegaannada hoostaga.

Xasan Macallim Maxamuud ayaa hoyga uu ka deganyahay magaalada Dhuusamareeb kula kulmay odayaasha dhaqanka, qaar kamid ah wasiirrada iyo xildhibaannada Gal-mudug ee kasoo jeeda beesha Murusade.

Kulanka ayaa qeyb ka ahaa kulamada joogtada ah ee wasiirku la yeelanayo qeybaha bulshada ayaa looga hadlayaa arrimo badan oo khuseeya xoreynta oo ay kamid tahay in dhammaan bulshadu ay wadajir uga qeyb qaadato howl-galka, si dadka deegaanku ay u gaaraan horumarka ay u baahanyihiin.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wasiirro katirsan xukuunadda Soomaaliya ayaa magaalada Dhuusomareeb u jooga abaabulka howlgal la doonayo in Al Shabaab looga saaro degnooyinka Galhareeri iyo Ceelbuur oo si buuxda ugu jira gacanta Al Shabaab.

Howl-galka qeybtiisa duqeynta cirka ah ayaa shalay bilaawday, waxaana la filayaa in duulaanka dhulka ah uu isna dhawaan bilaawdo.

Related posts

Maxay ka wada hadleen Xamse Barre & Danjire Abdalla Bin Salim Al-Nueymi? (Sawirro)

Caydiid Ali

Wiil uu dhalay Madaxweyne Biden oo Maxkamad wajahaya (Dembiyo culus oo loo heysto)

Caydiid Ali

Haweenay shabakada YouTube ilmo isaga dhalisay kaligeed !!!(Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---