Ciidamada Danab howlgal qorsheesan kusoo qabtay xubno katirsan Al Shabaab

Ciidamada kumaandooska ee Danab ayaa howlgal qorsheesan ku galay deegaannada Tooratoorow & Caliyoow Baaroow ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo maamulkeeda gacanta ugu jiray Al Shabaab.

Howlgalka ciidamada Danab ku galeen deegaanada Tooratoorow  iyo Caliyow oo mid qorsheesan ahaa ayey ku beegsadeen baro koontarool oo Al Shabaab ku lahaayeen deegaanadaasi iyo xarumo kale.

Saraakiisha Ciidanka Danab  ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa burburin barkontarool oo ay ku lahaayeen degaannadaas  Al-Shabaab ku lahaayeen kuwaa oo la tilmaamay in dadka lacago looga qaadi jiray.

Ciidamada Danab ayaa la sheegay intii uu howlgalka socday in ay gacanta kusoo dhigeen lix xubnood oo katirsanaa dagaalyahanada Al Shabaab, kuwaa oo ciidamada la aadeen dhinaca deegaanka Balli-Doogle oo saldhig u ah Danab.

Deegaanka Tooratoorow iyo deegaano kale oo katirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah deegaanada wali gacanta Al Shabaab ku jira, waxaana ciidamada dowladda marka ay kasoo laabtaan deegaanada ay galaan mar kale dib ugu laabta Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -