Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo ka hadlay qorshaha difaaca & Midnimada dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed

Xassan Shiikh ayaa la wadaagay dhalinyarada xaaladda dalka, iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda, guulaha laga gaaray dagaalka laguĀ  ciribtirayo al shabaab iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa dhallinyarada ka dhageystay warbixinno ku saabsan fursadaha iyo caqabada haysta dhallinta Soomaaliyeed iyo aragtiyo ku aaddan hoggaaminta dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka warbixiyay qorshaha dowladda ee horumarinta dhallinyarada, gaar ahaan shaqo abuurka iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dowladda.

Kulanka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin.

Related posts

Wariye loo heestay in uu dilay Xaaskiisa oo sanado kadib la fasaxay

Cabdi Cade

Soomaaliya iyo Imaaraadka oo kala saxiixday heshiis wax-tar u leh dadka Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oo ka laabtay hadal uu horey u sheegay kadib markii laga carooday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---