Allbanaadir.com
NEWS

Ruushka oo Xuutiyiinta la galay heshiis ka nixiyey reer Galbeedka

Ruushka ayaa soo gabagabeynaya heshiis uu la galayo kooxda Xuutiyiinta Yemen kaasoo ay in mudo ah ka shaqeyneysay Iran

Heshiiskan ayaa u oggolaanaya maraakiibka Ruushka inay si nabad ah ku maraan badda cas, iyadoo heshiiskan la aaminsanyahay inay Xuutiyiinta ku beddelanayaan hub iyo tiknoolajiyadda Ruushka oo gacan ka siinaya inay xoojiyaan awoodooda difaac.

talaabadan ayaa ku soo beegantay xili Mareykanka uu sheegay dhowaan inuu ballaarinayo howlgalka uu kula dagaallamayo Xuutiyiinta Yemen.

Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Yemen, Tim Lenderking ayaa toddobaadkii hore la kulmay inta badan hoggaamiyayaasha Carabta ee bariga dhexe, kullamadaasoo lagu sheegay inuu la wadaagay qorshaha Mareykanka uu ku doonayo ballaarinta howlgalka Xuutiyiinta.

Ma cadda nooca ballaarinta howlgalka xilli Mareykanka iyo xulafada galbeedka ay ku guul-darraysteen inay xakameeyaan weerarrada iyo awoodda militari ee Xuutiyiinta oo hadda sare martay.

Related posts

Magaallo keliya oo kutaalla Liibiya oo ku dhinteen in ka badan 5,200 oo qof kaddib markii..

Cabdi Cade

Israa’iil oo tirtirtay Muuqaal la macmalay oo ay iskaga fogeyn rabtay duqeyntii Isbitaalka

Caydiid Ali

Hogaanka TPLF oo ka hadlay damacooda ku aadan iney galaan Addis ababa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---