Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya iyo Imaaraadka oo kala saxiixday heshiis wax-tar u leh dadka Soomaaliyeed

Wasiirka Tamarta iyo Qayraadka Biyaha XFS Mudane Jaamac Taqal Cabaas, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa kulan mira-dhal ah oo diiradda lagu saarayay hindisaha lagu taageerayo gobollada laga xoreeyay khawaarijta la qaatay Safiirka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Md. Axmed Juma Al-Rumaithi.

Safiir Axmed Al-Rumaithi oo ka duulaya qorshaha Imaaraadka ee la shaqeynta Dowladda Soomaaliya ayaa saxiixay heshiis u jeedkiisu yahay qodista ceelal biyoodyo lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada laga xoreeyay Khawaarijta.

Mudane Al-Rumaithi ayaa sidoo kale uga mahad celiyay Madaxweynaha JFS, Md. Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumadda, hagaajinta hababka taageerada qaranka, halka uu si weyn u bogaadiyay doorka baaxadda leh ee hay’adda SoDMA ku leedahay fududeynta hannaanka loo fulinayo mashruuca, si daahfuran oo labada dhinacba u dhexeysa.

Wasiir Tamarta XFS,Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka, ayaa uga mahadceliyay safiirka, shacabka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada muddada dheer ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya.

Related posts

Dowladaha Somalia iyo Tunisia oo iskaashi ka yeelanaya saddex arrin (Sawirro)

Caydiid Ali

Imisa jeer ayaa la weeraray dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye?

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo si kulul uga hadlay talaabadii uu qaaday danjiraha DF u fadhiya Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---