Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Trump oo ka laabtay hadal uu horey u sheegay kadib markii laga carooday

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ka laabtay hadal oo horey u sheegay oo ahaa in aysan u muuqan sabab xaqiijin karta in dowlada Ruushka ay faro galisay doorashadii uu ku guuleestay.

Aqalka Congress-ka dalka Mareykanka ayaa si weyn uga carooday hadalka Madaxweynaha dalka Mareykanka , waxa ayna ku qasbeen Trump in uu si deg deeg ah uga laabto hadalkii uu horey u sheegay.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in uu aqbalayo xaqiiqada baartaanka laamaha sirdoonka Maraykanku ku sheegeen in Ruushku farogeliyey doorashadii Maraykanka ee 2016-kii, hadalkan ayaana ah mid burinaya kii uu horey u sheegay.

Trump ayaa sheegay in xiriirka diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeya dowlada Ruushka uu ka fiican yahay colaad iyo khilaaf labada dal ka dhax abuurma, waxa uuna balan qaaday in uu ilaalin doono in faro galin lagu sameeyo doorashada kale ee soo socota.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland iyo Jubbaland oo qoraalo kooban kaga hadlay Muddo kordhinta heyadaha DF

Caydiid Ali

Mike Pence oo Xisbigiisa u gudbiyay in uu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha

Cabdi Cade

Madaxweyne Saciid Deni oo gudoomiyey shirkii ugu horeeyey Golaha wasiirada Puntland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---