Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Putin oo ku hanjabay in hubka Nukliyeerka isticmaali doonaan haddii ….

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa uga digay reer galbeedka Arbacadii in Ruushku uu isticmaali karo hubka Nukliyeerka haddii lagu soo weeraro gantaalaha caadiga ah.

Putin ayaa sidoo kale sheegay in weerar kasto oo lagu soo qaado Ruushka, kaas oo ay gadaal ka taagantahay dowlad ku hubeysan niyukleer, in Moscow ay u tixgelin doonto mid si wadi jar ah loogu soo qaaday.

Putin oo furay shirka Golaha Amniga Ruushka, ayaa sheegay in isbaddaladani dhanka niyukleerka ah ay dowladdiisu uga jawaabeyso, isbaddalka deg degga ah ay ku dhacaya muuqaalka dunida kaas oo uu sheegay in uu khatar ku yahay Ruushka.

71-jirkan leh go’aanka ugu danbeeya ee Ruushka, ayaa sheegay in Ruushka uu ka fiirsan doono in uu adeegsado hubka niyukleerka, haddii dhulkiisa lagu soo weeraro gantaallada soo jireenka ah ee caadiga ah, diyaaradaha dagaalka ama kuwa aanan duuliyaha laheyn.

Ruushka ayaa muddo hadda laga joogo laba sano iyo bar ku duulay dalka deriska la ah ee Ukraine. Dagaalkaas ayaa keenay in uu aad u xumaado xiriirka Ruushka iyo dalalka reer Galbeedka, taasoo dhalisay cabsi ah la xiriirta in la isu adeegsado hub culus.

Related posts

Madaxweyne Deni oo kulan gaar ah la qaatay Xildhibaan Ismail Ali Mohamed (Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Dil argagax lahaa oo ka dhacay Muqdisho iyo ninkii ka dambeeyay oo la qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---